4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2022
Faysal Cali Waraabe: Muuse doorasho diyaar uma aha

Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in aanu daacad ka ahayn qabashada doorashada madaxtooyada.

Faysal oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC Somali, ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in aanu aanu hayn wadadii doorasho lagu gaadhi lahaa, isaga oo ku andacooday in madaxweynuhu uu ka danbeeyo khilaafka soo kala dhexgalay guddida doorashooyinka.

"Waxba u diyaar maaha, wuu iska hadlayaa, hadii uu u diyaaryahay farsamadeedi ayuu keeni lahaa, wadatashi ayuu keeni laha, waxaa la gaadhay wakhtigii diwaangalinta la bilaabayay, koomiishankii ayuu buuq galiyay oo hada aan shaqayn todobaad dhan, wuu meeraysanayaa" ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyaha ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu rabo in uu Somaliland qaso balse ay ka hortagi doonaan, "Waanu ka hor tagaynaa in aanu dalku naga qasmin, waxyaabihii lagaga hortagayay waanu haysanaa".

Faysal oo wax laga waydiiyay mawqif kiisa ku aadan in xiligan la furo ururrada siyaasada madaama oo ay sii dhamaanayaan 10 kii sanno ee sharcigu siiyay xisbiyada jira, ayaa sheegay in qabashada doorashada ururrada siyaasadu anay sharci ahayn.

"Lama furayo ururro sharci maaha, wax dalka yaga ka soconaya maaha, ururro toos ah oo aan loo tartamayn deegaan ama baarlamaan adduunka kama dhacdo, waxan u suurogalayn ayuu maskaxdiisa ka keenay, wax dhacayaa ma jirto" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa ku hanjabay in hadii doorashada madaxtooyadu dhici waydo aanu Biixi madaxweyne sii ahaan doonin "Doorashadu haday dhici waydo wakhtigeedi oo madaxweynuhu wax kale keeno albaabka ayuu ka baxaya".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online