3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
Itoobiya : Magaalo ku taal Itoobiya oo dadkeeda Muslimka ah lagu amray inay berri guryahooda ku oogaan Ciidda
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Magaalada Gonder oo ku taal gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, ayaa Muslimiinta halkaa ku dhaqan waxaa lagu wargaliyay in maalinta berri ah oo Ciid ah ay salaadda iyo munaasabadda Ciidda ay ku oogaan guryahooda, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Golaha sare ee Arimaha islaamka ee gobolka Axmaarada.

Arrintan ayaa loo sababeeyay cabsi laga qabo in weerar lagu soo qaado dadka muslimiinta ah ee salaadda isugu soo baxaya, sidaas darteed la go'aamiyay in muslimiintu ay guryahooda ku sugnaadaan oo ay halkaa salaadda Ciidda ku tukadaan.

Sidoo kale arrintan ayaa u muuqata in dowladdu ay dammaanad qaadi wayday amniga dadka muslimiinta ah ee isusoo bixi lahaa si ay salaadda Ciidda hal meel ugu tukadaan.

Magaalada Gonder ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka taagnayd xaalad amni darro ah, kaddib markii dad muslimiin ah lagu laayay goob uu kasocday Aas sheekh caan ka ah degaankaas.

Maalin ka hor dowladda ayaa isla magaalada Gonder waxay kusoo rogtay bandow xilliga habeenkii ah, si loo sugo amniga magaalada Gonder.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/1/2022 2:23 PM EST
Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa daboolka ka qaaday oo sheegay inuu damacsanaa inuu iskusoo sharraxo xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inuu damaciisa dib u dhigtay si dalka loo badbaadiyo oo doorasho uga dhacdo.

5/1/2022 10:31 AM EST
Axad, May, 1, 2022 (HOL) -Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war saxafadeed ay soo saartay ku beenisay oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar lagu faafiyay baraha bulshada ee la xariiray in afgambi uu ka dhacay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talayaaniga.

5/1/2022 9:43 AM EST
Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaanadda Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kadib doorashadii Maanta ka dhacday magaalada Jowhar.

5/1/2022 7:48 AM EST
Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xabsiga laga siidaayay qaar kamid ah maxaabiis u xidhnayd siyaasad, oo in muddo ah ku xidhnaa xabsiga magaalada Jigjiga.

5/1/2022 7:01 AM EST
Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasibada Ciidal Fidriga awgeed cafis u fidiyay 360 maxbuus oo ku xukunaa danbiyada fudud.

5/1/2022 4:58 AM EST
Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga ayaa baaraya khilaaf soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta Soomaalida oo ku saabsan gacan ku haynta safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay degmada Prati ee magaalada Rome.

5/1/2022 4:53 AM EST
Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka lagu magacaabo Baarka oo ku yaala duuleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

5/1/2022 4:46 AM EST
Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Wiil 17 jir ahaa, ayaa ku dhintay biyo fadhiisin Dowlada Hoose ee Hargaysa u samaysay Biriijka 1aad ee Hargaysa, kadib markii uu doonay in uu ku dabaasho.

5/1/2022 3:19 AM EST
Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Dowladda UK ayaa soo saaartay digniin sare oo ku saabsan inay Alshabab isku dayayaan inay weeraro ka geystaan gudaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sheegtay inay jiri karto khatar sare oo afduubasho ah.

5/1/2022 2:22 AM EST
Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Kumaandooska DANAB ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka kala tirsan gobolada Sh/hoose iyo Baay oo ka wada tirsan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

5/1/2022 2:09 AM EST
Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay inay ciiddanka Booliiska labo jibaarayaan amniga magaalada Muqdisho gaar ahaan maalmaha ciidda si looga hortago in Alshabaab falal amni darro ka geystaan.