4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
Ciidamada Kumaandooska DANAB oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolada Baay iyo Sh/hoose
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Kumaandooska DANAB ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka kala tirsan gobolada Sh/hoose iyo Baay oo ka wada tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidanka DANAB ayaa howlgalada ay sameyeen waxay kula wareegeen deegaanada kala ah Leego oo ka tirsan Sh/hoose iyo Jameeco oo ka tirsan gobolka Baay.

Howlgalada qorsheysan ee ciidamadu kula wareegeen deegaanada ka kala tirsan Baay iyo Sh/hoose ayaa ahaa mid ay sigaar ah u fuliyeen ciidamada Ururka 4-aad guutada 16- aad ee Ciidanka Kumaandooska Xooga dalka Soomaaliyeed ee DANAB.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo la hadashay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in ciidamada la wareegay deegaanada Leego iyo Jameeco ay burburiyeen Saldhigyo halkaasi ay ku lahayeen dagaalamayaasha Al-shabaab iyo goobo ay lacagaha ku qaadi jireen.

Waxay intaasi ku dareen saraakiisha Kumaandooska DANAB iney sii wadi doonaan howlgalada inta ay ka saarayaan deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolada Sh/hoose iyo Baay oo ka wada tirsan maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online