Hiiraan Online
10/5/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2022
Kursigii ugu tartanka adkaa doorashada aqalka hoose oo lagu qabtay Gaalkacyo
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Qaali Cali Shire ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop-060 ee golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo caawa doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo.
Waa doorashadii ugu horraysay oo xilli habeen ah la qabto islamarkaana waxay ahayd doorashadii ugu horraysay oo si furan loogu tartamayay.
Qaali Shire ayaa wareegii labaad ee doorashada heshay 61cod, waxayna ka guulaysatay Ubax Tahliil oo muddo toban sano ah kursigaas ku fadhiday.
Wareegii hore ee doorashada ayay Qaali Shire heshay 32 cod, hase ahaatee waxay kusoo baxday codadka musharraxiinta ku haray wareegii hore, kuwaas oo ay ku heshiiyeen inay isbedel sameeyaan.
Xildhibaan Qaali Shire waxay kamid ahayd dadka aadka u dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo waxayna ka guulaysatay Ubax Tahliil oo kamid ahayd taageerayaasha siyaaaada madaxweyne Farmaajo.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]