9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2022
Shariif Xasan: Cabdicasiis wuxuu sameynayo wax reer Koonfur Galbeed anfacaya ma ahan
 

Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa wax uusan filayn ku tillmaamay in laga celiyo magaalada Baydhabo. Isagoo ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu qaadayo tallaabooyin laga dhaxli karo cawaaqib xumo aad u fog.

Madaxweyne hore Shariif Sheikh Aadan oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho saacaddo kadib markii loo sheegay in uusan u safri karin Baydhabo, wuxuu sheegay waxa Baydhabo ka socda in aan lagu tilmaami karin doorasho, balse ay tahay magacaabis .

“Waxaan aaminsanahay inaan mudnaa in aanan ahayn ninka loo diidi lahaa Airporka Baydhabo inuu kasoo dago. Waxa aan raadinayay waa waxa ay beeshayda leedahay. Inkastoo waxyaabaha meesha ka socda ay yihiin waxyaabo lala yaabo. Runtii anigu ma dhihi karo doorasho. Waxa meeshaas ka scoda waa magacaabis,” ayuu yiri Shariif.

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur galbeed wuxuu sheegay, sababta loogu diiday inuu Baydhabo u safro in ay tahay, inuusan isku soo sharraxin kursiga beeshiisa. Wuxuuna sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu si cad u boobay kursigaas.

“Cabdicasiis siduu ku yimidna waa la ogyahay. In musharraxii Potential-ka ahaa mid la eryo, midna la xiro, Isagana uu yiraahdo waxaan rabo waan xirayaa, waxaan rabo waan handadayaa wax shaqeynaya ma ahan. Reer Koonfur galbeed waxaan leeyahay waxa hadda socda qof ay amfacayaan malahan, xitaa Cabdicasiis,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhinaca kale, xildhibaanno iyo Senataro horey uga mid ahaa labada aqal ee barlamaanka oo kasoo jeeda Koonfur galbeed ayaa si adag uga horyimid tallaabada lagu hor istaagay madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxayna ku eedeeyeen madaxweyne Lafta gareen inuusan ka fiirsadan tallaabooyinka uu qaadayo.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
3/6/2022 4:22 PM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Qaali Cali Shire ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop-060 ee golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo caawa doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo.

3/6/2022 9:58 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka dowladda Qatar ayaa halkaas kulan kula yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

3/6/2022 8:32 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa Maanta ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

3/6/2022 2:12 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa saakay laga hor istaagay in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde, isagoo ku wajahnaa magaalada Baydhabo

3/6/2022 1:57 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka dhacdo doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo.

3/6/2022 1:52 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ka dayrinaysa tirrada kufsiyada oo si xawli ah u kordhaysa, iyadoo muddo 2 bilood gudaheed ah 17 kufsi dhaceen.

3/6/2022 1:24 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa lagu wadaa in uu ku ekaado bishan ka dib muddo 15 sano ah oo si aan kala joogsi lahayn uu howlgalkan uga shaqeynayay Soomaaliya.

3/6/2022 12:49 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xalay magaalada Baledweyne ku dhexmaray madaxda maamulka Hirshabeelle oo kala ahaa madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Musharixiinta u taagan u tartamida 11 kursi oo lagu wado in dhawaan lagu doorto magaalada Beledweyne.

3/6/2022 12:38 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Maamulka gobolka Gedo ayaa diiday guddigii uu raysal wasaaruhu usoo magacaabay kasoo talo bixinta xaaladda magaalada Garbahaareey, oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.