9/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2022
Madaxweynihii hore ee koonfur galbeed oo loo diiday inuu u duulo magaalada Baydhabo
 

Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa saakay laga hor istaagay in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde, isagoo ku wajahnaa magaalada Baydhabo

Shariif Xassan, ayaa doonaya inuu u tartamo kursi yaala Magaalada Baydhabo oo uu horay ugu fadhiyay wiilkiisa.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in diyaaradii qaadi lahayd Shariif Xasan lagu amray in aanay Baydhabo kasoo dagi karin.

Inkastoo wasaaradda amniga Soomaaliya ay soo saartay warqad Shariif Xasan loogu oggolaanayo inuu ilaalo gaar ah iyo hub u qaato magaalada Baydhabo, haddana isagii iyo ciiddankiisaba looma oggolaan in ay ka duulaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xayiraada lagusoo rogay waxaa la sheegayaa inuu ka dambeeyo maamulka koonfur Galbeed oo horey sidaas oo kale Baraawe uga celiyay, guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudeey.

Cabdiweli Ibraahim Muudey oo kursigiisu yaalay magaalada Baraawe ayaa laga hor istaagay inuu tago halkaas, waxaana maalin kadib kursigii uu ku fadhiyay loo doortay musharrax kale.

Koonfur Galbeed, siyaasiyiin badan oo muddo dheer kusoo jiray barlamaanka Soomaaliya ayaa tartanka doorashada laga reebay, iyagoo kuraastoodii loo doortay wajiyo cusub oo u badan dhallinyaro aan horey siyaasada ugu jiri jrin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
3/6/2022 4:22 PM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Qaali Cali Shire ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop-060 ee golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo caawa doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo.

3/6/2022 9:58 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka dowladda Qatar ayaa halkaas kulan kula yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

3/6/2022 8:32 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa Maanta ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

3/6/2022 6:43 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa wax uusan filayn ku tillmaamay in laga celiyo magaalada Baydhabo. Isagoo ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu qaadayo tallaabooyin laga dhaxli karo cawaaqib xumo aad u fog.

3/6/2022 1:57 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka dhacdo doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo.

3/6/2022 1:52 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ka dayrinaysa tirrada kufsiyada oo si xawli ah u kordhaysa, iyadoo muddo 2 bilood gudaheed ah 17 kufsi dhaceen.

3/6/2022 1:24 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa lagu wadaa in uu ku ekaado bishan ka dib muddo 15 sano ah oo si aan kala joogsi lahayn uu howlgalkan uga shaqeynayay Soomaaliya.

3/6/2022 12:49 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xalay magaalada Baledweyne ku dhexmaray madaxda maamulka Hirshabeelle oo kala ahaa madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Musharixiinta u taagan u tartamida 11 kursi oo lagu wado in dhawaan lagu doorto magaalada Beledweyne.

3/6/2022 12:38 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Maamulka gobolka Gedo ayaa diiday guddigii uu raysal wasaaruhu usoo magacaabay kasoo talo bixinta xaaladda magaalada Garbahaareey, oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.