3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2022
Doorashada Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Gaalkacyo

Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka dhacdo doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo.

Guddiga doorashada maamulka Galmudug Shalay soo gabagabeeyay shahaado siinta Musharaxiinta buuxisay sharuudahii laga rabay kuraasta sumadoodu kala ah HOP 101, HOP 013, HOP 060, HOP 017, HOP 001.

Qorshaha doorashada Maanta ka dhaceysa magaalada Gaalkacyo ayaa aheyd in 6 kursi doorashadooda ay dhacdo, hayeeshee waxaa dib loo dhigay kursi uu doonayo inuu u tartamo taliyahii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo la sheegay in laga hor istaagay inuu u tartamo kursigaasi oo loo qorsheeyay in laga dhigo qoondo dumar, islamarkaana sababay iney abuuranto xiisad dagaal.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa xiisadaasi kadib waxaa uu safar deg deg ah ku gaaray magaalada Gaalkacyo si uu uga hortago dagaalo halkaasi ka dhaco.

Wararka doorashada Maanta laga helayo ayaa waxay sheegayaan in 5-ta kursi ay laba ka mid ah dib ugu soo laaban doonaan shaqsiyaadkii horay ugu fadhiyay, halka sadaxda kursi ee kalana ay kuso bixi doonaan Musharaxiin cusub oo ka mid noqon doona Baarlamaanka 11 ee dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
3/6/2022 4:22 PM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Qaali Cali Shire ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop-060 ee golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo caawa doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo.

3/6/2022 9:58 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka dowladda Qatar ayaa halkaas kulan kula yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

3/6/2022 8:32 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa Maanta ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

3/6/2022 6:43 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa wax uusan filayn ku tillmaamay in laga celiyo magaalada Baydhabo. Isagoo ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu qaadayo tallaabooyin laga dhaxli karo cawaaqib xumo aad u fog.

3/6/2022 2:12 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa saakay laga hor istaagay in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde, isagoo ku wajahnaa magaalada Baydhabo

3/6/2022 1:52 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ka dayrinaysa tirrada kufsiyada oo si xawli ah u kordhaysa, iyadoo muddo 2 bilood gudaheed ah 17 kufsi dhaceen.

3/6/2022 1:24 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa lagu wadaa in uu ku ekaado bishan ka dib muddo 15 sano ah oo si aan kala joogsi lahayn uu howlgalkan uga shaqeynayay Soomaaliya.

3/6/2022 12:49 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xalay magaalada Baledweyne ku dhexmaray madaxda maamulka Hirshabeelle oo kala ahaa madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Musharixiinta u taagan u tartamida 11 kursi oo lagu wado in dhawaan lagu doorto magaalada Beledweyne.

3/6/2022 12:38 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Maamulka gobolka Gedo ayaa diiday guddigii uu raysal wasaaruhu usoo magacaabay kasoo talo bixinta xaaladda magaalada Garbahaareey, oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.