9/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2022
AMISOM oo si rasmi ah u shaacisay in howlgalkeeda Soomaaliya uu ku eg yahay dhammaadka bishaan
 

Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa lagu wadaa in uu ku ekaado bishan ka dib muddo 15 sano ah oo si aan kala joogsi lahayn uu howlgalkan uga shaqeynayay Soomaaliya.

“Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo uu fasaxay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, uuna u xilsaaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2007, waxa uu dhammaan doonaa 31-ka Maarso 2022,” AMISOM ayaa ku shaacisay baraheeda bulshada.

Marka uu dhamaado waqtiga AMISOM, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku raacay in la helo howlgalka ATMIS kaas oo Qaramada Midoobay ay ku shaqeyn doonto.

Sida uu qorshuhu yahay Ciidamada ammaanka dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay sannadka 2023 si rasmi ah ula wareegaan doorka nabadgalyada iyo ilaalinta dalka.

20,000 askari oo AMISOM ah kuma guulaysan in wiiqaan awoodda ay Alshabaab, waxayna taas keentay in caalamku su’aallo iska weydiiyo sii jiritaanka howlgalkan oo caalamku sannad walba ku bixinayay malaayiin dollar oo ah mushaaraadka askarta AMISOM iyo adeeggooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online















Click here
3/6/2022 4:22 PM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Qaali Cali Shire ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop-060 ee golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo caawa doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo.

3/6/2022 9:58 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka dowladda Qatar ayaa halkaas kulan kula yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

3/6/2022 8:32 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa Maanta ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

3/6/2022 6:43 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa wax uusan filayn ku tillmaamay in laga celiyo magaalada Baydhabo. Isagoo ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu qaadayo tallaabooyin laga dhaxli karo cawaaqib xumo aad u fog.

3/6/2022 2:12 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa saakay laga hor istaagay in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde, isagoo ku wajahnaa magaalada Baydhabo

3/6/2022 1:57 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka dhacdo doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo.

3/6/2022 1:52 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ka dayrinaysa tirrada kufsiyada oo si xawli ah u kordhaysa, iyadoo muddo 2 bilood gudaheed ah 17 kufsi dhaceen.

3/6/2022 12:49 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xalay magaalada Baledweyne ku dhexmaray madaxda maamulka Hirshabeelle oo kala ahaa madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Musharixiinta u taagan u tartamida 11 kursi oo lagu wado in dhawaan lagu doorto magaalada Beledweyne.

3/6/2022 12:38 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Maamulka gobolka Gedo ayaa diiday guddigii uu raysal wasaaruhu usoo magacaabay kasoo talo bixinta xaaladda magaalada Garbahaareey, oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.