3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2022
Kulan Xalay Baledweyne ku dhexmaray Madaxda Hirshabeelle iyo ku dhawaad 60 Musharax oo u taagan 11 kursi
 

Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xalay magaalada Baledweyne ku dhexmaray madaxda maamulka Hirshabeelle oo kala ahaa madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Musharixiinta u taagan u tartamida 11 kursi oo lagu wado in dhawaan lagu doorto magaalada Beledweyne.

Kulankaan ayaa la sheegay in looga hadlay amniga doorashada, ayadoo madaxda Hirshabeelle ay soo jeediyeen in dhamaan hubka iyo gaadiidka dagaal banaanka looga bixiyo xerada Lamagalaay oo ah goobta ay ka dhaceyso doorashada, islamarkaana musharaxa walba loo ogolyahay ilaalo kooban.

Masuuliyiinta ugu sareysa Hirshabeelle ayaa Musharaxiinta ay kulanka la qaateen waxay u cadeeyeen iney dhaceyso doorasho daahfuran oo si nabad ah ku dhacda, islamarkaana aysan jirin cid gaar ah oo kursi loo xirayo.

"Madaxweynaha ayaa musharaxiinta u sheegay inay u diyaar garoobaan doorasho daahfuran oo si nabad ah ku dhacda, waxa uuna balanqaaday inaysan dhici doonin in kursi loo xiro cid gaara. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hay'addaha amniga kala shaqeeyaan nabadgalyada Magaalada Baledweyne" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirashabeelle.

Gabagabadii wali lama oga go'aanka dhanka Musharaxiinta u taagan kuraasta taala Baledweyne iney aqbaleen hadalka kasoo baxay madaxda Hirshabeelle ee ah in hubka iyo ciidanka badan ay kala baxaan gudaha xerada lamagalaay.

Xubnaha Musharixiinta ee Xalay kulanka la qaatay madaxda Hirshabeelle ayaa gaarayay tiro ahaan ku dhawaad lixdan Musharax oo dhamaantood u taagan 11 kursi oo dhawaan doorashadooda la shaaciyay.

Dadka ku dhaqan Baledweyne ayaa welwel iyo walaac xoogan ka qaba in doorashada 11 kaan kursi ay sababaan dagaalo qarara oo dhiig badan ku daadan karo, maadama Mushaxiinta kuraastaan dooneysa ay yihiin kuwa aad u farabadan, islamarkaana hubeysan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
3/6/2022 4:22 PM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Qaali Cali Shire ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop-060 ee golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo caawa doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo.

3/6/2022 9:58 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka dowladda Qatar ayaa halkaas kulan kula yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

3/6/2022 8:32 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa Maanta ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

3/6/2022 6:43 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa wax uusan filayn ku tillmaamay in laga celiyo magaalada Baydhabo. Isagoo ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu qaadayo tallaabooyin laga dhaxli karo cawaaqib xumo aad u fog.

3/6/2022 2:12 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa saakay laga hor istaagay in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde, isagoo ku wajahnaa magaalada Baydhabo

3/6/2022 1:57 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka dhacdo doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo.

3/6/2022 1:52 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ka dayrinaysa tirrada kufsiyada oo si xawli ah u kordhaysa, iyadoo muddo 2 bilood gudaheed ah 17 kufsi dhaceen.

3/6/2022 1:24 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa lagu wadaa in uu ku ekaado bishan ka dib muddo 15 sano ah oo si aan kala joogsi lahayn uu howlgalkan uga shaqeynayay Soomaaliya.

3/6/2022 12:38 AM EST
Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Maamulka gobolka Gedo ayaa diiday guddigii uu raysal wasaaruhu usoo magacaabay kasoo talo bixinta xaaladda magaalada Garbahaareey, oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.