4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay mudaharaadkii saaka ka dhacay Hargaysa
 

Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sharci daro ku tilmaantay mudahaaraadkii ay saaka Hargaysa ka dhigeen axsaabta mucaaradku, waxayna ciidanka fartay in ay ka hortagaan mudaharaadyada kale ee ay mucaaradku ku baaqeen.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sharci daro ku tilmaamay mudaharaadkii ay saaka sameeyeen axsaabta mucaaradka Somaliland, isagoo sheegay in loola dan lahaa in nabadgalyada lagu khal khal galiyo.

"Mudaharaadkaa saaka dhacay, waa mudaharaad kasoo horjeeda dhamaan sharciyada dalka, waa mudahraad masuuliyiintii hogaaminaysay ee xisbiga Waddani ahaa, musharixii madaxweynaha, iyo guddoomiyihii xisbiga iyo masuuliyiinta kale ee la socotayba, loola jeedo in Somaliland daganaansho la'aani ay ka dhacdo" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa sidookale sharci daro kale ku tilmaamay mudaharaadyada ay mucaaradku shacbiga ugu baaqeen in ay iskugu soo baxaan maalinta Sabtida ee 11 bishan Juun.

"Maanta mudaharaadka dabadii shirka jaraa'id ee ay qabteen ee Cabdiraxmaan ka hadlaayo, ee uu leeyahay Sabtida ayaanu dhamaan gobolada ayaanu ka samaynaynaa mudoharaad, taasina waa sharci daro kale oo ay ku dhawaaqayaan"

Wasiir Kaahin ayaa dhamaan ciidamada kala duwan faray in ay talaabo ka qaadan oo ay ka hortagaan mudaharaadka ay mucaaradku qorsheeyeen in uu dhamaan gobolada Somaliland ka dhaco maalinta Sabtida, isagoo sheegay in uu yahay mid sharci daro ah oo aan loo marin wado saxa.

Wasiirka Wasaarada Xanaannada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo isna shirka jaraa'id ku wehelinayay wasiir Kaahin, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay mudaharaadka saaka dhacay, isagoo sheegay in mucaaradku doonayeen in ay dad ku dhinteen.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]