4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah loogu caleema saaray madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) -  Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboobay xaflada caleema saarka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo ay kasoo qeyb galeeb madax kala duwan oo ka socotay dalalka caalamka iyo madaxweynayaashii hore, raysal wasaarayaashii hore iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Maanta caleema saaray ayaa sheegay in dowladiisa lagula xisaabtami doono waxqabad dhab ah, islamarkaana uu ka shaqeyn doono baahinta nidaamka Fedaraalka dastuurka, wadahadalada Soomaaliland iyo amniga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa sidoo kale sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay hal ku dhiggiisa ah Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah oo uu ku sheegay inay Soomaaliya saaxiib iyo iskaashi la yeelan doonto dal kasta oo aan madax bannaanida Soomaaliya ku xadgudbeyn, islamarkaana u ka shaqeyn doono xiriir ganacsi oo Soomaaliya dunida la yeelato.

Isagoo ka hadlaayay madaxweyne Xasan Sheekh waxyeelada abaarta ayuu sheegay in kumannaan Soomaali ah ay wajihi karaan macluul baahsan, wuxuuna codsaday wax ka qabashada abaarta daran ee xiligan ka jirta inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Madaxdii kale ee ka hadashay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya oo tira badneyd waxaa ka mid ahaa Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub, isla markaana u balanqaaday taageerada dawladda Itoobiya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale ka hadlay xaflada waxuuna sheegay inuu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isagoona sheegay inuu kala shaqayn doono madaxweynaha cusub hagaajinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu la yimid kalgacal iyo walaaltinnimo. Isagoona sheegay in dowladda Jabuuti ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

Waxaa sidoo kale masuuliyiintii xaflada ka hadashay ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo looga guuleystay doorashadii Muqdisho ka dhacday 15-kii bishii lasoo dhafay ee May 2022.

Gabagabadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu dhawaan soo magacaabo raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online