4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo casuumaad ka helay dalka Turkiga
 

Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) -  Wasiirka beeraha Turkiga oo kamid ah wafuuda ka qeyb galaysa caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inay dalka Turkiga casuumaad rasmi ah ugu fidiyeen madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka beeraha Turkiga Bekir Pakdemirli ayaa sheegay casuumada ay ufidiyeen madaxweynaha Talaabo inay tahay mid lagu horumarinayo xiriirka labo geesoodka ee labada dal.

“Soomaaliya meel gooni ah ayay nagaga taalaa. Muddo xileedka cusub waxaan aaminsanahay in lasii horurmarindoono xiriirka labada,” ayuu yiri wasiirka beeraha dalka Turkiga.

Wasiirka waxa uu sheegay in Turkiga uu sii wadidoono taageerada  shacabka Soomaaliyeed.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ah saaxiib dhow, lagasoo bilaabo sannaddii 2011, markaas oo raysal wasaarihii hore ee Turkiga haddana ah madaxweynaha dalkaas Erdogan uu socdaalkiisii ugu horeeyay  ku tagay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan wuxuu socdaalkiisa qeyb ka ahaa gurmadkii Turkiga ka geystay Abaarihii xumaa ee dalka ku dhuftay 2011, isagoo indhaha caalamka kusoo jeediyay Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]