4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Madaxda dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Masar oo gaaray Muqdisho


Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) -  Madaxweynaha Kenya, uhuru Kenyatta, Raysal wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo raysal wasaaraha dalka Masar, Mustafa Madbuuli ayaa gaaray Muqdisho si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Raysal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxdan kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo maanta laga joojiyay inay kasoo dagaan duulimaadyada rayidka ah.

Xafladda caleemo saarka ayaa haatan ka socoto magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyay, lana joojiyay inta badan isku socodka gaadiidka iyo meelaha qaar dadweynaha.

Shan sano ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale wafuud caynkaan ah ay Muqdisho u yimaadeen caleemo saarka madaxweynaha hadda xilka ka dagay Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo wehliyo madaxweynihii hore ee dalka, ayaa madaxda timid Muqdisho la qaatay kulan kooban oo soo dhowayn ah.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]