4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya madaafiic Xalay lagu garaacay magaalada Muqdisho

Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) -  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic khasaare dhimasho iyo dhaawac geysatay oo Xalay lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Madaafiicda oo tiro ahaan gaarayay ilaa 6 madfac ayaa Xalay mar qura 02:00 habeenimo hurdada ka toosiyay shacabka ku nool magaalada Muqdisho, waxaana madaafiicda ay ku dhaceen guryo ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo aanan wali si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda lagu garaacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ayaa hadana wararka soo baxaya waxay sheegayaan in madaafiicda ay ku dhaceen guryo ay daganayeen dad shacab ah, islamarkaana saqdii dhexe la maqlayay dhawaqa gaadiidka gurmadka deg dega ah.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka madaafiicda ah ee Xalay lagu garaacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay.

Madaafiicda Xalay lagu garaacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya, xili magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow bilaabmay fiidnimadii hore ee Xalay saacaddu markay ahayd 10:00-kii fiidnimo, kaas oo lagu adkaynayay amaanka magaalada oo lagu wado in Maanta oo Khamiis ah ay ka dhacdo xafladda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online