4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo Hindia ugu baaqday inay tallaabo degdeg ah ka qaado shakhsiyaad aflagaadeeyay Nebiga (NNKH)

 

Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) -  Wasiirka diinta iyo awqaafka Soomaaliya, Sh. Cumar Cali Rooble, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay aad uga xun tahay aflagaado ay Nabiga (nabadgalyo iyo naxariista eebbe korkiisa ha ahaatee), u geysatay haweeney katirsan xisbiga talada haya ee dalka India.

Wasiirka Diinta ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan falcelinta dalalka Islaamka, kuwaas oo si weyn uga dhiidhiyay aflagaadaynta Nebiga islamarkaana safiiradahoodii si degdeg ugala soo noqday Hindia.

Xisbiga talada dalka Hindia ee BJP ayaa shaqada ka joojiyay haweeneyda ku kacday falkan. Waxaa kaloo isna shaqada laga joojiyay madaxa qaybta warbaahinta Delhi ee xisbiga, Naveen Kumar Jindal, kaddib markii uu dadka la wadaagay sawirka aflagaadada ah.

“Waa in si degdeg ah dowladda Hindia arrintaan ay raalli uga bixisaa. Waa inay sharciga waafijisaa shakhsiyaadka xumahaas gestay, laguma qanci karo in la yiraahdo “xilkaan ka qaadnay”, ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu wasiirku sheegay in dowladda Soomaaliya ay howlan tahay sidii ay jawaab ku haboon uga bixin lahayd aflagaadada loo geystay Nebiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]