4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Gaanshaandhiga Soomaaliya
 

Talaado, Juun, 7, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda Al -Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, isaga oo warbixinno ka dhageystay hoggaannada ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qalabka isgaarsiinta ciidanka xoogga dalka kula xiriiray qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoona ku bogaadiyey sida naf hurnimada leh oo ay dharaar iyo habeen walba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la wadaagay ciidamada sida ay dowladdiisa uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka Soomaaliya, waxaana kormeerkaan uu noqonaya kormeerkiisii ugu horreeyey ee uu ku tago Wasaaradda Gaashaandhiga kadib dib u doorashadiisa, taasoo uu u kuur galaayayay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online