4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2022
Xisbiga Waddani oo soo buuxiyay xubintoodii Guddida Doorashooyinka Somaliland
 

Talaado, Juun, 7, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa soo magacaabay isla markaana madaxweynaha u gudbiyay xubinti ay Guddida Doorashooyinka Somaliland ku lahaayeen oo dhawaan is casishay.

Xubintan uu xisbiga Waddani soo magacaabay ayaa horseed u noqon doonta dib u yagleelida guddida doorashooyinka oo dhamaan 7-dii xubnood ee ay guddidaasi ka koobnayd ay dhawaan iscasileen kadib khilaaf soo kala dhexgalay oo aan xal loo helin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xisbiga Waddani uga mahadceliyay soo buuxinta xubinta uu xisbigu ku leeyahay guddida doorashooyinka, wuxuuna hay'adaha kale ee xubnaha ku leh guddida ugu baaqay in ay si dhakhso ah usoo buuxiyaan xubnohoodii iscasilay.

"Madaxweynaha jamhuuriyaddu waxa uu uga mahad-celinayaa xisbiga Waddani sida dhakhsaha leh ee ay u soo magacaabeen xubintooda cusub ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka. Waxaanu madaxweynuhu codsi u gudbinayaa in hay'adaha kale ee qaranka ee xubnaha ku leh magacaabista xubnaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Iscasilaada Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa ku soo beegantay xili xasaasi ah, oo loo baahnaa in shaqo la qabto, xili ay ahayd in la guddo galo diwaangalinta codbixiyayaasha si loogu diyaar garoobo doorashooyinka soo foodleh. Mucaaradka ayaa aad u danaynaya in guddida si dhakhso ah dib loogu soo dhiso.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]