4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2022
Soomaaliya iyo Maraykanka oo kawada hadlay xoojinta dib u habaynta dhaqaalaha Soomaaliya
 

Talaado, Juun, 7, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda ee xukuumada xil gaarsiinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Bayle ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry André.

Waxay ka wada hadleen heerka uu marayo dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa guulaha la gaaray ilaa hadda.

Wasiir maaliyadda Soomaaliya Bayle ayaa wuxuu sheegay, Maraykanku inuu aad u taageersan yahay isbedellada dhaqaale ee Soomaaliya ay ku talaabsatay sanadihii ugu dambeeyay.

Maraykanka oo ah maalgaliyaha ugu weyn ee Soomaaliya, waxa uu dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ku booriyay in mudnaanta lasiiyo horumarinta ciidamada ammaanka si ay buuxda mas'uuliyadda amni ugala wareegaan howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa dhowaan ogolaatay inay kordhiso muddada barnaamijkeeda kaalmada maaliyadeed ee Soomaaliya, kadib markii lasoo gabagabeeyay doorashadii madaxweynaha dalka.

Muddo kordhintu waxay fursad siinaysaa waqti lagu xaqiijiyo heshiisyada siyaasadda ee dawladda cusub.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]