4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2022
Jigjiga : Qiimaha maciishada oo wali sare u kac laga dareemayo magaalada xilli la sheegay in Sarrifka Dollarku uu hoos u dhacay

Talaado, Juun, 7, 2022 (HOL) - Iyadoo maalmihii u dambeeyay lasoo sheegayay in hoos u dhac uu ku yimid sarrifka dollarka ee magaalo xuduudeedka Wajaale, ayaa haddana waxaa jirta in taasi aysan saamayn ku yeelan maciishadii magaalada Jigjiga oo wax walba uu halkiisii un marayo.

Haddaba suuqyada magaalada Jigjiga ayaa wali waxaa laga dareemayaa sare u kaca qiimaha maciishada daruuriga ah, iyadoo waxyaabaha uu dadku aadka u isticmaalo ay marayaan qiimahoodii hore, tusaale Saliidda cuntada ee 5ltr waxay Jigjiga ka maraysaa 1050 Birr, oo u dhiganta qiyaastii 14 dollar.

Dadka degaanka ayaa is waydiinaya sababta aan wali waxba isku badalin, maadaama lasoo sheegayo in hoos u dhac wayn uu ku yimid Sarrifka Dollarka ee magaalo xuduudeedka Wajaale, oo ah halka laga jaangooyo Sarrifka lacagaha qalaad.

Dowladda Itoobiya ayaa maalmo ka hor go'aano wax lagaga qabanayo Sicir bararka soo saartay, iyadoo xadiday awoodda dhaqdhaqaaqa bangiyada ku yaal magaalo xuduudeedka Wajaale, taas oo markii dambe la sheegay in culays halkaa ka yimid uu sababay in sarrifkii Dollarku uu hoos u dhaco, balse aan wali saamayn muuqda ku yeelan maciishadii daruuriga ahayd  ee ay dadku isticmaalayeen.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa inta badan waxyaabaha dadku isticmaalaan ee maciishada ah waxay ka yimaadaan ama kasoo galaan dhinaca magaalo xuduudeedka Wajaale, halkaas oo ganacsatada wax soo iibsanaysa loogu jaangooyo hadba inta uu marayo Sarrifka Dollarku, maadaama lacagta wax lagu soo iibsanayo ay tahay lacagta Dollarka.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]