4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2022
Wasiir hore Oomaar: Waxaa jiray xildhibaanno wasiirro ah oo 5 sano meesha soo fadhiyay, waxay qabteena aadan garanayn
 

Isniin, Juun, 6, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu yareeyo tirada xildhibaananda barlamaanka ee kamid noqonaya golaha wasiiradda.

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in madaxweynaha iyo raysal wasaaraha uu soo magacaabidoono ay yareeyaan tirada golaha wasiiradda.

“Waxaa jira xildhibaanno wasiirro ah oo shan sano meesha soo fadhiyay, waxay qabteena aadan garanayn. Kaliya inay dowladda ka difaaacaan barlamaanka loosoo galshay xukuumada. Anigu waxay ila tahay inta ugu badan in la yareeyo wasiiradda, barlamaankana laga soo qaato tiro yar oo macquul ah,” ayuu yiri wasiir hore Oomaar.

Oomaar wuxuu sheegay xukuumadii uu katirsanaa oo ahayd ku dhawaad 70 wasiir, inay ku jireen wasiirro aan qibrad iyo aqoon badan lahayn oo lagasoo xulay barlamaanka. Wuxuu sheegay inay wasiiraddaasu ahaayeen kuwa aan la taaban jirin oo looga baqi jiray kamid ahaanshahooda barlamaanka.

Wasiir Oomaar ayaa kamid ahaa golihii wasiiradda ee xukuumadihii Kheyre iyo Rooble. Balse Febraayo 2021 ayuu iska casilay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo loosoo beddelay markaas, isagoo ahaa wasiirkii gaadiidka iyo duulista hawada.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]