4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2022
La taliyaha madaxweynaha Soomaaliya oo beeniyay warar sheegayay inuu kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan TPLF
 

Sabti, Juun, 4, 2022 (HOL) - La taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa beeniyay warar si weyn loogu dhex faafiyay baraha bulshada oo la xariiray inuu kulan la qaatay saraakiil ka tirsan Itoobiya.

Wararka lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in la taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu safar qarsoodi ah uu ku tagay dalka Jabuuti uu kulan kula qaatay saraakiil sare oo ka tirsan jabhada TPLF ee ka dagaalanta gudaha dalka Itoobiya.

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xuseen Sheekh ayaa war qoraal ah oo uu ku beeninaayo wararka lagu faafiyay baraha bulshada waxa uu kusoo qoray bartiisa Twitterka uu ku leeyahay oo uu ku sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana uusan ka safrin magaalada Muqdisho.

“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya” ayuu ku yiri Xuseen Sheekh qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Wararkan uu Maanta si rasmi ah u beeniyay lataliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili maalmahii lasoo dhaafay si weyn loo hadal haayay waxa ka jira kulanka Saraakiisha TPLF iyo Lataliyaha dhanka amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online