4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
 

Sabti, Juun, 4, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay dalka Koonfur Afrika lagu dilay laguna dhaawacay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi ku lahaa Dukaamo ganacsi, kadib markii burcad u dhalatay dalkaasi ay ku weerareen goobtooda ganacsi.

Burcada hubeysneyd ee Koonfur Afrikaanka ah ayaa toogasho waxay ku dileen laba Muwaadin oo ka mid ahaa gacansatada Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Cabdirashiid Axmed Shiiq Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde, waxaana sidoo kale dhaawacyo culus ay gaareen ilaa sadax kale oo ka mid ah muwadininta Soomaaliyeed ee ku sugna Dukaamada lagu dilay labada Marxuum oo ahaa laba Dukaan oo iska soo horjeeday.

Dilka labadaan muwaadin ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Strand oo ka tirsan magaala xeebaadka Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrka, waxaana dilka kadib goobta gaaray Booliska Koonfur Afrika, oo sheegay inay ku raad joogaan burcada dilka iyo dhaawacyada gaystay oo gacanta kusoo dhigi doonaan.

Dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dila Muwaadniinta Soomaaliyeed ee wadankaasi u tagay iney ka dhex ganacsadaan, waxaana dowladda Koonfur Afrika mar walba ay sheegta iney wax ka qabaneyso dilalka iyo dhaca lagu haayo dadka ajaaniibta ah ee ku sugan wadankeeda oo ay ugu horeyaan Soomaalida.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online