4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2022
Mareykanka oo 5 kamid ah Alshabaab ku dilay duqayn dhacday meel ku dhow magaalada Kismaayo

Sabti, Juun, 4, 2022 (HOL) - Ciidamada Mareykanka ayaa fuliyay duqeyn diyaaradeed oo Jimcihii shalay lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa ah tii ugu horeysay ee lagu bartilmaameedsado kooxda Alshabaab ee Soomaaliya tan iyo bishii February.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee ka dhaca Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Joe Biden uu amar ku bixiyay bishii may in ciidamo badan oo Mareykan ah ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Mareykanka uu fuliyay weerarkaas isagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya.

War saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta Mareykanka ay timid ka dib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay jimcihii shalay weerar ku qaadeen ciidamo ku sugnaa degaanka Beer Xani ku dhow magaalada Kismaayo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]