3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2022
Wasiir Kaahin: Cabdiraxmanow waxan idiin sheegayaa in ay daan ahayn masuuliyiin qaran


Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa madaxda xisbiga Waddani ku eedeeyay in anay ahayn masuuliyiin qaran oo arrin qaran doonaya.

Kaahin oo ka hadlayay xaflad lagu soo bandhigayay buug (dhigane) laga qoray taariikhda madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabiraxmaan Tuur), ayaa madaxda Waddani ku eedeeyay in anay nabad diyaar u ahayn.

"Arrimaha laga hadlayo waxaa kamid ah in aydaan nabada diyaar u ahayn, in aydaan siyaasada daganaashaheeda nabad u ahayn, in aydan xaalada siyaasada ee dalka nabad u ahayn, masuuliyiin qaran oo arrin qaran doonayana aydan ahayn" ayuu yidhi Kaahin.

Kaahin ayaa xili dadwaynihii goobta fadhiyay ku oriyeen, sheegay in xukuumadu ay diyaar u tahay wadahadal dhexmara xisbiyada, isaga oo dhanka kalena maxda xisbiga ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin sawaxanka iyo daganaansho la'aanta xaflada ka muuqatay.

"Anagu waxaanu diyaar u nahay in ay dadku wada hadlaan, in ay xisbiyadi wada hadlaan, ... lakiin waxaanu ka xunahay in taariikhdii Cabdiraxmaan Axmed Cali muran iyo maamul xumo lagu sameeyo" ayuu yidhi Kaahin.

Waxa uu ku eedeeyay in ay taageerayaashii xisbiga xaflada keeneen, taasina ay keentay in lagu qayliyo "Saaxibayaal waxan diyaar u ahay, in aad xaflada qaylo ku dhamaysan, way dhici karaysa in aan 200 oo inan oo Kulmiye taageraya meel iskugu keeno oo ay idinku qayliyaan, wanaan aqbalayn".

Wasiirada xukuumada ka socday ee xaflada lagu soo marti qaaday oo ay kamid ahaayeen Wasiir Kaahin iyo Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yusuf Cali Koore, ayay shacabkii xaflada kasoo qayb galay ku qayliyeen, oo ku oriyeen intii ay hadlayeen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/27/2022 9:22 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa badalay 8 masuul oo xukuumadiisa ka tirsan, kuwaasi oo iskugu jira 2 wasiir, 2 wasiir ku xigeen, 3 madax hay'adood ah iyo 1 gaasime wasaaradeed, wuxuuna magacaabay 13 masuul oo kale.

6/27/2022 4:51 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Qabno ee duuleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu haatan ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

6/27/2022 4:44 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad guurada 45-aad ee xornimada dalka Jabuuti u diray dhigiisa Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

6/27/2022 2:56 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya inta u dhaxeysa magaalooyinka Baledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaari ay saarnaayeen wariyaal iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

6/27/2022 2:22 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Guddiga golaha ammaanka uqaabilsan cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay inay dowladda cusub ee Soomaaliya kala shaqeynayaan cunaqabateynta hubka, curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab, arrimaha bini'aadantinimada iyo dhoofinta dhuxusha.

6/27/2022 2:16 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali koore, ugu baaqay in uu calanka Somaliland geeyo Taleex iyo Buuhoodle.

6/27/2022 2:15 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, oo u jawaabay wasiir Koore oo sheegay in ay Somaliland cid gaar ahi yeelatay, ayaa sheegay in hadii qabyaaladi jirto isaga laga rabo in uu hagaajiyo.

6/27/2022 2:13 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanka Qudus ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku eedeeyay ciidamada maamulka Jubbaland dhibaatooyin dhawaan ka dhacay deegaanka Qudus.

6/27/2022 2:08 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in deegaanadiisu ay u baahanyihiin in ay madaxtinimada qabtaan, oo anay cid gaar ahi uun isku koobin.