4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2022
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo 12 sano Cumaan ugu xirnaa Burcad badeednimo oo Bosaso lagasoo dajiyay
 

Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa magaalada Bosaso kusoo dhoweeyay 17 muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo muddo 12 sano ah dambiyo burcad baddeednimo ugu xirnaa dalka Cumaan.

Dowladda Cumaan ayaa raggaan cafis ufidisay, kadib markii safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, ay dadaal xooggan ku bixisay sidii maxaabiista Soomaaliyeed looga sii dayn lahaa xabsiyada.

Qaar kamid ah muwaadiniintan ayaa ku xukumnaa xabsi daa’in. Hase yeeshee safaaradda Soomaaliya ee Cumaan ayay uga mahad celiyeen inay ku guulaysatay in xukunkooda laga qafiifiyo.

Qaar kamid ah oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay aad uga shanlaayeen dambiyadoodii burcadbadeednimo, iyagoo sheegay in muddo 12 sano oo ay xirnaayeen ay dareemeen isbeddel.

“Waxaan xirnaa 12 sano. 12 kaa sano aan xirnaa, ma aanan ku khasaarin, waan ka waantoobay waddooyin badan iyo qalad badan oo aan ku jiray. Waxaan xafidnay qur’aanka kariimka. Aad iyo aad ayay dowladda Soomaaliya noo garab istaagtay,” ayuu yiri Cabdikariin Siciid oo kamid ahaa 17ka qof.

Taliyaha booliiska gobolka Bari, Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in muwaadiniintaan dalkooda dib ugusoo laabtaan, isagoo sheegay inay ka filayaan inay ummadda ka wacyi galiyaan dhibaatada ay soo arkeen.

Dhinaca kale, 12 kale oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa weli ku xiran xabsiyada dalka Cumaan, kuwaas oo u baahan in loo qareemo sidii ay xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]