9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhoweeyay xasaanad siinta raysal wasaare Xamse
 

Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Golaha Shacabka ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo 15-kii Bishan uu magacaabay Madaxweynuhu.

"Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ila qaatay magacaabista Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba ku soo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenn,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayo in raysal wasaare Xamse uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta yoolka Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah.

“Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.”

Baarlamaanka Soomaaliya aya cod aqbliyad leh ku ansaxiyey Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, oo maanta markii ugu horraysay hortagay, si uu weydiisto inay siiyaan codka xasaanada.

220 Xildhibaan oo ku sugnaa fadhiga barlamaanka, ayaa dhamaantood u codeeyay Ra'iisul Wasaaraha, mana jirin wax diiday ama ka aamusay xasaanad siintiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/25/2022 11:16 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Shirkada Sky Power oo ah mid kamid ah shirkadaha ugu waa wayn ee dhaliya quwada korontada caalamka, ayaa cilmi-baadhis ku samaynaysa kadibna maalgashan doonta suuqa korontada ee Somaliland.

6/25/2022 8:11 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sida lagu sheegay qoraal rasmiya oo kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud.

6/25/2022 7:47 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Dagaalamayaal katirsan ururka Al-Shabaab ayaa wadada u galay oo istaajiyay Bas ay la socdeen dad rakaab ah oo kusii jeeday degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

6/25/2022 7:44 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Madaxda ugu saraysa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, oo booqasho ugu tagay muwaadin kii sheegay in booliisku jidh dileen, ayaa cambaareeyay waxyeelada uu sheegay in booliisku kula kaceen.

6/25/2022 5:34 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhowayd cod aqbliyad leh ku ansaxiyey Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, kadib markii uu maanta hortagay oo uu ka jeediyay barnaamijkiisa siyaasadeed ee xukuumada soo socota.

6/25/2022 1:47 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Wasiir katirsan maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay xildhibaannada Puntland lagasoo doortay inay masuul ka yihiin guul darradii madaxweyne Deni kasoo gaartay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.

6/25/2022 1:41 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Xildhibaanadda Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah fadhigooda waxay ugu codeynayaan Raysal wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay Xamse Cabdi Barre oo haddii uu codka kalsoonida uu ka helo Baarlamaanka Soomaaliya soo magacaabi doono Xukuumad sidaan oo kale u hortagi doonto Golaha Shacabka.