4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2022
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika
 

Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koofur Afrika ayaa dil u geysatay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku noola dalkaasi.

Kooxda burcada oo bastoolado ku hubeysneyd ayaa toogasho ku dishay Allah u naxariistee Cabdi Sheekh Maxamed oo ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee u ganacsi tagtay dalkaasi Koofur Afrika.

Dableyda hubeysneyd ayaa la sheegay  iney toogteen Marxuumka isagoo gaari Rooti ku wareejinayo Xaafadda Wesbank oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Burcada ayaa dilka kadib la sheegay iney si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay ku dileen Muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana dilka kadib goobta gaaray sida caadada aheyd Booliiska Koofur afrika, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay ganacsadaha Soomaaliyeed, hayeeshee baaritaankooda muusan kasoo bixin wax natiijo ah.

Dilka iyo beegsiga lagu haayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay si aad ah ugu soo badanaayay gudaha dalkaasi Koofur Afrika, waxaana  dowladda dalkaasi ay sheegta iney wax ka qabaneyso dhiibaatada dilalka ee loo geysto Soomaalida ku nool dalkeeda, hayeeshee ma muuqato ficil ay kaga dhabeynayaan wax ka qabashada dhibaatada lagu haayo muwaadininta Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online