4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2022
Puntland: Maleyshiyo beeleed xirtay waddada xiriirisa Gaalkacyo iyo Garowe
 

Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Maleyshiyo beeleed is abaabulay ayaa xirtay waddada isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo ee Puntland, iyadoo halkaas ay haatan ku xaniban yihiin in ka badan 50 kamid ah gaadiidka xamuulka qaada.

Waddadan ayaa ah mid halbowle oo ay maalin walba isticmaalaan gaadiidka ka yimaada magaalada Bosaso ee u raran gobolada koonfurta iyo kuwa ka yimaada Koonfurta ee xoolaha iyo khudaarta usoo qaada deegaannada Puntland.

Xogo aan helnay waxay sheegayaan in maleyshiyada waddada xiratay ay ka gadoodsan yihiin in maamulka Puntland uusan magdhow ka bixin dhaawicii loo geystay nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ku dhaawacmay iska hor imaad labo bil kahor ka dhacay Gaalkacyo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo guddi u  saaray dhacdadan lagu dhaawacay nabadoonka iyo taliye ku xigeenka booliiska gobolka Mudug, ayaa baaris ay sameeyeen kadib, waxay masuuliyadda khasaaraha iska hor imaadka dusha ka saareen ciidamadii Booliiska.

Guddigan ayaa madaxweyne ku xigeenka waxay usoo gudbiyeen natiijada baarista, wuxuuna madaxweyne ku xigeenku usii gudbiyay madaxweyne Deni oo xilligaas ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Khilaafka labada masuul oo xilligaas taagnaa ayaa sababtay in arrintaan ay dhinacna u dhaqaaqi weydo, taasoo keentay in maleyshiyo ku hayb ah nabadoonka ay bilaabaan inay waddooyinka xirtaan, si maamulka Puntland uu go’aan uga soo saaro arrintaan.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]