4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay danjiraha Faransiiska ee Kenya
 

Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Kulan ay yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo danjiraha faransiiska ee Kenya  Aline Kuster-menager, ayaa lagaga wada hadlay, doorashooyinka, iskaashiga ganacsiga iyo wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Danjire Menager iyo saraakiil kale oo ay hor kacaysay oo Somaliland safar ku yimid, ayaa madaxweynanaha Somaliland kala hadlay arrimo ay ugu mudanyihiin iskaashi ganacsi oo Somaliland iyo Faransiiska dhexmara, lakiin aan la faah faahin wuxuu yahay, wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo mudo istaagay iyo doorashooyinka, sida madaxtooyadu sheegtay.

"Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, sidii loo xoojin lahaa, doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland, iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadku ku yimi.  Kulankaasina wuxuu ku soo dhamaaday Isfahan iyo wadashaqayn".

Xubnaha waftiga ayaa ka koobnaa La-taliyaha Siyaasada, Lucile CARREZ, Madaxa Adeegga Dhaqaalaha Gobolka ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya, Jerome BACONIN, La-taliyaha Maaliyadda ee Gobolka, Heloise TOURNOUX, Madaxa Wakaaladda Horumarinta ee Gobolka Bariga Afrika, Caroline ABT iyo danjire MENAGER.

Dhinaca kale, madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]