4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shaaciyay in go'aan ka gaari doonaan xariga Mukhtaar Rooboow
 

Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka hadlay xariga Mukhtaar Rooboow Mansuur ayaa ku tilmaamay go'aankii lagu xiray inuu ahaa mid sharci darro ah.

Mukhtaar Rooboow ayaa xabsi guri ku jira dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, kaasoo xabsi guri laga dhigay 13-kii bishii Decembar sanadkii 2018-kii, kaasoo lagu xiray amar kasoo baxay dowladdii Madaxweyne Farmaajo, xili uu Rooboow ka mid ahaa musharaxiintii ugu cadcadeed ee u taagneyd tartankii doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu markii dambe kusoo baxay Cabdicasiis Laftagareen.

Rooboow waxaa magaalada Baydhabo kaso xiray ciidamo Itoobiyaan ah oo ugu dambeyn usoo qaaday Magaalada Muqdisho, Hay’adda NISA oo uu maamulayay Fahad Yaasiin ayaa xabsi guri geysay Mukhtaar Roobow oo muddo xogtiisa ay raadinayeen ehelkiisa, waxaana xusid mudan in rabshado ka dhashay xariga rooboow ay ku dhinteen dad gaaraya 10 ruux.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la hadlaayay TV-ga Universal ayaa sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ee haatan talada heysa ay go’aan ka gaari doonaan xirnaashiyiha Mukhtaar Rooboow.

“Sifo aan sharci ahayn ayaa loo maray in la xabiso Rooboow, anniga oo Xildhibaan ah waxa aan kamid ahaa dadka diidan xarriga Roobow oo sida lagu soo xiray oo aan u arkeyn wax toosan, arrintiisa meel ayay soo gaartay weliba musharax ayuu noqday, Sheekh Mukhtaar waala ogaa in uu kamid ahaa Al-Shabaab oo uu ka towbad keenay isaga ayaa ka tanaasulay oo Dowladda u yimid, markii dambe way aamintay oo waxa uu gaaray heer ay siiso Baasaboor Diblumaasi ah” Ayuu Aadan Madoobe.

Waxuu intaasi ku daray ineysan jirin kiis cad oo Mukhtaar Roobow ka yaalla Maxkamad ama wax lagu soo eedeyay oo xabsi guriga la geliyay ka tarjumaya balse dowladdii siisay Baasaboorka u xirtay dano siyaasadeed.

“Xiritanka Roobow ma wafaqsanen nidaam waxaa rejo ka gashay in uu isasoo sharraxo, dowladdii ugu dambeysay ayuu u xirnaa, dowladdaan hadda cusub uma xirna, talo ayay ka gaari doontaa, Madaxdeeda marka ay go’aan ka gaaraan ayaa arrintiisa meel la saari doonaa laakiin maxkamad iyo kiis lagu soo eedeeyay weli aniga ma maqlin” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa imaanaya, iyadoo ehelada Rooboow ay dowladda cusub ka codsadeen in loo soo daayo Mukhtaar Roobow oo mudo xabsi guri ugu jirtay dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online