3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 21, 2022
Puntland oo Bosaso kusoo bandhigtay Shabakad qaraxyo iyo dilal qorshaysan geysan jiray
 

Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa lasoo taagay afar nin oo ku eedeysan inay katirsanaayeen shabakad kooxaha Daacish iyo Ashabaab, kuwaas oo magaalada Bosaso ka geysan jiray qaraxyada iyo dilalka.

Raggaan ayaa maxkamada horteeda ka qirtay dambiyada lagu eedeeyay oo ay ku jiraan, qaraxyadii Bosaso lagula eegtay madaxweynaha Puntland oo ay ku geeriyoodeen labo askari, dilkii Suldaan Muuse Koonte oo sannadkii 2019 lagu dilay isagoo ku jira salaadii jimcaha.

Waxyaabaha kale ee ay qirteen waxaa kamid ah qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Bosaso, sida qaraxii lagu dilay qaar kamid ah labo caaqil oo kamid ahaa ergadii doorashada kursiga wasiir Jamaal iyo dhaawaca afar kale.

Maxkamadda waxay sheegtay raggaan inay markii hore wax ku dili jireen magaca kooxda Daacish, balse markii dambe ay u wareegeen kooxda Alshabaab.

Waxay sidoo kale ku eedeysan yihiin inay kamid ahaayeen dadkii ka qeyb qaatay weerarkii xabsiga Bosaso lagu qaaday sannadki hore.

Waxay maxkamaddu shaacisay liis dad ah oo ay ku jiraan masuuliyiin, saraakiil ciidan, ganacsato iyo madax dhaqameed u qorsheysanaa inay ku qaarijiyaan magaalada Bosaso.

Ugu dambayn, maxkamadaynta raggaan oo weli socota ayaa la filayaa in maalmaha soo socota lasoo gabagabeeyo.

Magacyada eedeysanayaasha.

Jaamac Aadan  Tusbaxle

Ayuub Cumar Shire

Cabdullaahi Salaad Booos Mohange

Maxamed Abshir Muuse Olyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/21/2022 3:08 PM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Cayaaryahanka Romelu Lukaku ayaa dib ugu soo laabtay Inter Milan ka dib markii kooxda reer Talyaani ay wadahadalo muuqaal ah oo saddex saacadood qaatay ay la yeelatay kooxda Chelsea.

6/21/2022 12:44 PM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Kooxda Futsal ee dalka Morocco ayaa 16-0 kaga badisay kooxda Futsalka Soomaaliya oo ay wada cayaareen koobka Futsal ee wadamada Carabta, kaas oo ka socda Saudi Arabia.

6/21/2022 7:52 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada qalabka ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 4 kamid ah shabakad katirsan Alshabaab, kuwaas oo qaraxyo iyo dilal madax jabis ah ka geysan jirey Boosaaso.

6/21/2022 7:44 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Kadib kulan ay yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddidii isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashada, ayaa isku afgartay in qorshaynta howsha xalinta khilaafka loo daayo golaha guurtida.

6/21/2022 3:09 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland, Jaamac Faarax Xasan ayaa xaqiijiyay in la lunsaday 300 kartoon oo ay ku jireen Buskutka Plumpy Nut, oo loo isticmaalo in lagu daweeyo nafaqo-xumada ba'an ee carruurta yaryar.

6/21/2022 1:57 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Xalay ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duuleedka magaalada Muqdisho.

6/21/2022 12:56 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu doonayay in golaha wakiiladu diidaan xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka.

6/21/2022 12:48 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), oo ahaa guddoomiyihii xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ee gobolka Sool, ayay dablay hubaysani xalay ku dileen magaalada Laascaanood.