4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2022
Wasiir Bayle: Anigu ma oran qasnada dowladdaa lacag ka buuxdaa
 

Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxman Ducaale Beyle, ayaa been abuur ku tilmaamay in qasbada dowladda ay ka buuxdo lacago badan oo ay ka tagtay dowladdii uu katirsanaa.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in si qaldan loo turjumay hadal uu horey u sheegay oo ku saabsanaa inay qasnadda dowladda kaga tageen  mushaaraadka lixda bilood ee soo socota.

“Anigu idin ma oran qasnaddaa buuxda, mana buuxdo, ciddii tiraahdana waa masuuliyad darro,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Wasiir Bayle ayaa ka digay in la siyaasadeeyo arrimaha maaliyada dalka, isagoo sheegay in bil walba wasaaraddu ka shaqeyso sidii uusan hakad u gali lahayn mushaarka dowladda.

Wuxuu sheegay in mushaarka dowladda bishaan la bixinayso, laakiin bilaha dambe in loo baahan yahay in la qabto shaqo hortaala dowladda oo lagu xaqiijinayo in mushaarka uusan go’in.

Bayle ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa wasiirka maaliyadda, waxaana lagu ammaanaa muddadii uu xafiiska joogay in mushaarka shaqaalaha iyo ciidamadu uusan hakad galin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]