4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 18, 2022
Shirkadaha Duulimaadyada diyaaradaha oo ku dhawaaqay iney joojinayaan Duulimaadyada gudaha Dalka
 

Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay guddiga shirkadaha diyaaradaha ka howlgala gobolada dalka Soomaaliya ee ku mideysan Ururka AOA, kuwaas oo warsaxafadeed kasoo saaray caqabado kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ku yaala gobolada dalka Soomaaliya.

Warsaxafadeedka kasoo baxay kulanka madaxda Ururka diyaaradaha ee AOA ayaa lagu shaaciyay in laga bilaabo maalinta berito ah ay joojinayaan dhamaan duulimaadyadii diyaaradaha gobolada dalka, inta laga xalinaayo caqabadaha ay ka cabanayaan ee la xariira dhanka amniga.

Waxaa sidoo kale ay ku sheegeen warsaxafadeedkooda guddiga in kalsooni darro amni ay ka jirto garoomada diyaaradaha gudaha dalka, iyagoona ku eedeeyay Hay’adda duulista Rayidka in aysan u muuqan mid u heelan badqabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran intaba.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo Faahfaahsan:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online