4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 18, 2022
Kormeerahii guud ee Waxbarashada gobolka Sh/hoose oo Maanta lagu dilay degmada Afgooye

Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa Maanta ku dilay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose Kormeerahii guud ee Wasaaradda Waxbarashada gobolka Sh/hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cali Shanloow Cali oo ahaa Kormeeraha guud ee Waxbarashada gobolka Sh/hoose ayaa rag dhalinyaro ah, waxay ku dileen xili uu maraayay Xaafada Xaawo taako ee degmada Afgooye, kasoo dhowr xabadood ay la dhaceen dableyda hubeysneyd.

Marxuum Cali Shanloow ayaa la sheegay inuu isku diyaarinayay inuu kormeer ku sameeyo Imtixaanka shahaadiga Dugsiga Sare oo Maanta ka bilowday afar ka mid ah shanta dowlad goboleed ee dalka iyo gobolka Banaadir.

Wasaaradda Waxbarashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Cali Shanlow Cali oo saaka lagu dilay Afgooye, waxaana qoraal kooban ay soo saartay wasaaradda Waxbarashada ay tacsi ugu dirtay qoyska Marxuum Cali Shanlow iyo bahda Waxbarashada maamulka oo uu ka tirsanaa, waxaana Marxuumka ay Alle uga baryeen inuu ilaahay ugu bishaareeyo Janatul Firdowsa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online