4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 18, 2022
Madaxwayne Mustafe cagjar oo ka warbixiyay xaaladda galbeedka Sitti
 

Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa si guud uga warbixiyay xaaladda galbeedka gobolka Sitti, iyo waxay salka ku hayso colaadda aan xalkeeda la helin ee Soomaalida iyo Canfarta.

Madaxwaynuhu wuxuu xusay in arrinta galbeedka Sitti ay ahayd dhibaato laga dhaxlay xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar, " Arrintani waa dhibaato aan dhaxalnay, dad Soomaali ah oo aan lagala tashan ayaa maamulkii hore ee degaanku hoos geeyay Canfarta". ayuu yiri Madaxwayne Mustafe cagjar.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxwaynuhu in wixii isbaddalka ka dambeeyay iyo markii ay dhacday xukuumaddii hore ee degaanku, ay dadkaasi Soomaalida ah ee sida khaldan Canfarta loo hoosgeeyay ay kaceen, iskana diideen Canfartii la hoos geeyay, halkaasna ay ka bilowdeen Colaadda Soomaali iyo Canfar, iyo waliba dagaallo aan joogsi lahayn oo u dhaxeeya labadaasi shacab.

Dhinaca xallinta Colaaddan Soomaali iyo Canfar u dhaxaysa, Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in xalku ku jiro dhanka Odayaal dhaqameedka, mar walbana ay ka xukuumad ahaan iyo shacab ahaan diyaar u yihiin in xal laga gaaro arrintan, oo ilaa Jigjiga ay ugu yeereen maamulka Canfarta si loo xalliyo colaaddan.

Arrinta galbeedka gobolka Sitti ee colaadda u dhaxaysa Soomaali iyo Canfar ayaa marar badan shirar iyo kulamo laga yeeshay si xal loogu helo colaaddan, waxaana ugu dambeysay kulankii Naasireet ka dhacay ee masuuliyiinta iyo Odayaal dhaqameedada labada degaan ka sokow ay goob joog ahaayeen madaxda heer federal, kaas oo la isku afgartay in xabbad joojin degdeg ah lasameeyo, isla markaana Odayaal dhaqameedada labada dhinac loo kala diro goobaha la isku hayo, si ay usoo wacyi galiyaan dadka halkaas ku dhaqan.

Colaadda Soomaali iyo Canfar ayaa xal u helideedu waxay dowladda ku noqotay Laf dhuun gashay, oo maalin walba ay cabasho ka timaaddo.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]