4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 17, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh "Reer Baxdo waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay"
 

Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee gobolka Galguduud, sida naf hurnimada leh oo ay isaga difaaceen dagaalamayaasha Alshabaab oo saakay aroornimadii hore weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday deegaankaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee bulshada Baxdo iyo ciidanka Xoogga dalka ay gaarsiiyeen Al-shabaabka soo weeraray ay muujinayso sida Shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh iskaga dulqaadaan dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan.

“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma geeydada ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Gabagabadii Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii Maanta ku geeriyootay weerarkii Baxdo, iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda, isagoona caafimaad deg deg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee ay waxyeeladu kasoo gaartay dagaalkii cuslaa ee Saakay ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug iyo Al-shabaab oo ka kala hadlay khasaaraha dagaalkii saakay ayaa mid walba waxa uu sheegtay guulo, Galmudug ayaa sheegatay in dagaalka saakay ay ku dileen in ka badan 60 dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan, halka Al-shabaabna ay sheegatay in dagaalka ay ku dileen 27 ka mid ah ciidankii ay kula dagaalameen gudaha deegaanka Baxdo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online