4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 17, 2022
Galmudug iyo Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay deegaanka Baxdo
 

Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Waxaa isa soo taraya marba marka ka dambeysa khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo Saakay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaasi.

Dagaalka oo ka dhex bilawday Salaadii subax kadib gudaha deegaanka Baxdo ayaa socday mudo 2 saacadood ka badan, kaasoo geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Baxdo lagu dilay 45 kamid ah dagaalameyaasha Al-shabaab, isla markaana ay ku qabteen rag kale oo ku jiraan shan ajaanib ah.

Wasiir Falagle ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo gurmad ah ay geeyeen deegaanka Baxdo, isla markaana ay ku raad joogaan raggii weerarka soo qaaday ee baxsaday deegaanka.

Dhinaca kale dagaalamayasha Al-shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay dagaalka Saakay ka dhacay deegaanka Baxdo, kuwaas oo ku daabacay baraha ay ku leeyihiin Internetka in dagaalkaas uu ahaa qorshahiisa mid ay kaga hortagayeen abaabul ciidan oo iyaga ka dhan ahaa oo ka socday deegaanka Baxdo, islamarkaana lagu uruurinayay ciidamo katirsan Galmudug si ay ugu duulaan goobaha ay ka joogaan deegaanada Galmudug.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaas ay ku dishay 27 kamid ah ciidamada ku sugnaa deegaanka Baxdo, islamarkaana dhankooda ay ka geeriyootay ilaa 9 ka mid ah dagaalamayaashii Saakay qaaday dagaalka ka dhacay Baxdo.

Xaalada deegaanka Baxdo ayaa haatan ah mid dagan waxaana gacanta ku haya ciidamada maamulka Galmudug iyo dadka deegaanka, waxaana xusid mudan in dagaalamaayashii Shabaab ee Saakay weerarka culus ku qaaday deegaanka iney dib uga laabteen, walow waqti walba la filan karo in dagaalo kale halkaasi dib uga qarxaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online