3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 17, 2022
Ku dhawaad 30 ruux oo ku geeriyootay dagaal culus oo Saakay ka dhacay deegaanka Baxdo
 

Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday oo aroornimadii hore ee Saakay ku qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ka dhacay gudaha deegaanka Baxdo ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo socday mudo ka badan laba saacadood waxaana ka dhashay khasaare badan oo kala gaaray labada dhinac.

Warar soo baxaya oo hordhaca ah ayaa sheegaya in khasaaraha dagaalka uu gaarsiisan yahay dhimashada ku dhawaad 30 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah oo rasaasta ugu tagtay guryahooda, waxaana dhaawacyada la xaqiijiyay ay kor u dhaafayaan 15 ruux, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaalamay oo ku aadan khasaaraha kala gaaray.

Xaalada deegaanka Baxdo ayaa haatan ah mid dagan waxaana dib ugu soo laabtay hawada adeega Isgaarsiinta oo hawada ka baxay mudadii uu dagaalka socday, waxaana halkaasi isaga barakacay qoys fara badan oo ka cabsi qaba in markale dib u qarxo dagaal culus, maadama dagaalamayaasha Al-shabaab aysan wali ka fogeyn deegaanka Baxdo oo ay saakay weerarku ku qaadeen.

Al-shabaab dhowr jeer oo hore waxay deegaanka Baxdo ku qaadeen weeraro noocaan oo kale ah oo ay ku doonayeen iney kula wareegaan gacan ku heynta deegaankaasi oo 90 KM u jira degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegaya in Al-shabaab ay deegaankaasi u arkaan mid muhiim u ah iney gacanta ku dhigaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
6/17/2022 12:25 PM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee gobolka Galguduud, sida naf hurnimada leh oo ay isaga difaaceen dagaalamayaasha Alshabaab oo saakay aroornimadii hore weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday deegaankaas.

6/17/2022 7:22 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Waxaa isa soo taraya marba marka ka dambeysa khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo Saakay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaasi.

6/17/2022 2:09 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa Saakay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u aheyd mudooyinkii dambe dagaalamayaasha Al-shabaab, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

6/17/2022 2:04 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee Saakay weerar xoogan oo qaraxyo ku bilaawday ay halkaasi ku qaadeen Al-shabaab.

6/17/2022 1:58 AM EST
Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, isagoo si gaar ah uga warbixiyay xaaladihii kala duwanaa ee uu soomaray degaanku.