4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 16, 2022
Booliiska Somaliland oo iska fogeeyay weerar lagu eedeeyay
 

Khamiis, Juun, 16, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa iska fogeeyay warar ay warbaahinta mucaaradku ku sheegeen in Ciidanka Booliiska Somaliland, ay guriga Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro weerareen.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska, ayaa sheegay in ciiidanku ay u gurmanayeen muwaadin reer Hargaysa ah, oo koox tuugo ahi rabshaysay.

"Markay sacaadu 3:00am ahayd waxa heeganka soo garaacay ninka la yidhaa Daa'uud Guulleed Axmed oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo dagan xaafada Hodan Hills, oo ay sikhraamiini rabshayeen, isaga oo soo hagaya ayay ciidankii heeganka ahaa ku bexeen goobtii".

Waxa uu sheegay in kadib markii ciidanku howlgalka kasoo noqdeen in toosh indhaha lagaga qabtay, kadibna loo sheegay in ay soo leexdaan, intaa kadibna rasaas la huwiyay, lakiin anay ciidanku wax jawaab ah ka bixin rasaasta.

"Markii laga soo noqday, oo wadada laamiga la marayo, ayaa waxa dhacday labadii baabuur mid kamid ah tooshash lagu qabtay, waxana la yidhi soo leexo ... isla markiina rasaas ayaa lagu bilaabay, rasaastaasi waxay noqonaysa mid sharci daro ah ... ciidankuna wax jawaab ah kama bixin".

Waxa uu sheegay in booliisku u xilsaaranyahay sugida amniga mucaarad iyo muxaafadba "Booliisku wuxuu u xilsaaranyahay, mucaarad iyo muxaafad, cid ajinabi ah iyo cidkasta oo dalkan Somaliland ku sugan in ay nabadgalyadooda sugaan.

Ugu danbayntii waxa uu sheegay in booliisku ay arrintaa baadhisteeda gali doonaan, isaga oo danbi wayn ku tilmaamay in guriga Cirro la weeraro "Waa danbi adag marka la leeyahay musharixii madaxweynaha ayaa la weeraray".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]