4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 16, 2022
Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo sameeyay balanqaadyo muhiim ah

Khamiis, Juun, 16, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday balan qaadyo muhiim ah oo la xariira wax ka qabashada xaalada dalka iyo hirgelinta mid ka mid rajooyinka ugu waa weyn madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn balan qaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad tayadeedu sareyso oo isbadal dhab ah sameyn karta, isagoona sheegay inuu har iyo habeen u taagnaan doono gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.

“Arrimaha waa weyn ee dalka iyo dadka horyaala ee kow ka tahay Xasilooni siyaasadeed sidii loo abuuri lahaa oo Amniga loo sugi lahaa, Abaaraha dabada dheeraaday sidii xal waara looga gaari iyo sidii Dastuurka qudhiisa daba dheeraaday ee mudada dheer soo jiitamaayay dib u eegistiisa lagu soo gabagabeyn lahaa" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi.

Wuxuu intaasi ku daray Raysal wasaaraha cusub inuu xooga saari doono arrimaha waa weyn ee horyaala Xukuumada uu soo dhisi doono ay ka mid tahay Wadahadalka Soomaaliland sidii looga gun gaari lahaa iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha, si dhalinyarada loogu sameeyo shaqo abuur wanaagsan.

“Waxaa iga go'an sidii loo hirgelin lahaa halku dhiga weyn ee ballaaran ee Soomaalida oo dhan wada ogtahay ee ah Soomaali Heshiis ah oo Dunidana Heshiis la ah, intaas oo dhan waxay u baahan tahay dadaal iyo juhdi dheeraad ah” ayuu yiri Raysal wasaaraha cusub.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo ah shaqsi ay horay usoo wada shaqeyeen mudo dheer madaxweynaha dib markii labaad loogu doortay hogaanka dalka Xasan Sheekh maxamuud ayaa laga sugaya soo dhisida Xukuumaddiisa cusub iyo iney la timaado waxqabad dhab ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online