3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Waa kuma Xamsa Cabdi Barre, Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya?
 

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa muddo bil ah kadib doorashadiisii waxaa uu si rasmi ah xilka raysal wasaaraha Soomaaliya ugu magacaabay Xamse Cabdi Barre oo katirsan barlamaanka Soomaaliya iyo xisbigiisa UPD.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in raysal wasaaraha cusubi uu yahay qofka ugu mudan ee kasoo bixi karo xilkan iyo siyaasadiisa ku aadan Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Madaxweynaha ayaa barlamaanka ugu baaqay inay si degdeg ah u meel mariyaan raysal wasaaraha cusub, si dalka uu u yeesho xukuumad cusub oo dalka ka saarta kala guurta.

Haddaba Waa kuma ra''isal wasaaraha cusub?

Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya horraantii 1970.

Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya horraantii 1970.

Waxbarashadiisa aasaasiga ah, dugsiga hoose, dhex iyo sare waxa uu ku qaatay gudaha dalka. Jaamacadda heerka koowaad waxa uu kusoo dhigtay waddanka Yemen, halka shahaadada heerka labaad uu kusoo qaatay jaamacad ku taalla dalka Malaysia.

Hadda waa xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ah ee Soomaaliya, oo laga soo doortay Jubbaland.

Wuxuu xubin ka yahay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ee uu hoggaanka uu u hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu horay uga soo noqday xoghayaha guud ee xisbigaas.

Magaciisa waxa uu si wayn u soo shaac-baxay markii uu noqday guddoomiyihii guddiga doorashada ee Jubbaland, intii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2020-kii.

Intii u dhaxeysay 2014-kii ilaa 2015-kii waxa uu la-taliyaha dhinaca maamulka ah u ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho ee xilligaas, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Howlaha kale ee uu Xamsa soo qabtay waxaa ka mid ah in uu la-taliye sare kasoo noqday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Federaaleynta.

Xamsa ayaa xilka kala wareegaya Raysul wasaare Rooble oo hadda ah raysul wasaaraha xil-gaarsiinta ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/15/2022 2:11 PM EST
Maxaad ka taqaanaa ACIBADEM Healthcare Group? ACIBADEM Healthcare Group waxay adeegyada daryeelka caafimaadka kasoo bilowday cisbitaal xaafadeed oo ku yaalla degmo kamid ah magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Maanta, ACIBADEM waxaa ay kamid tahay hoggaamiyayaasha daryeelka caafimaadka, waxaana ay leedahay 22 cisbitaal, 14 xarumuud oo loogu talagalay bukaan socodka iyo shirkadaha adeeg bixinta. Kobaca degdega ah ee Acıbadem ayaa horseeday in sannadkii 2012 ay heshiis iskaashi wadajireed la saxiixdaan IHH Healthcare, taas oo noo suurtagelisay inaan ka mid noqonno silsiladda labaad ee ugu weyn adduunka ee bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka.

6/15/2022 11:32 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xilka raysal wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamsa Cabdi Barre oo katirsanaa barlamaanka Soomaaliya.

6/15/2022 11:06 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa markale sheegay in madaxweyne Biixi aanu daacad ka ahayn qabashada doorashada madaxtooyada.

6/15/2022 10:45 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa talaabada uu danjiraha Soomaaliya kaga baxay shirkii Nairobi joogitaanka wakiilka Somaliland awgeed, ku tilmaamay wax aan Somaliland qaban, wuxuuna sheegay in uu sugayo sida dowlada Soomaaliya uga jawaabto.

6/15/2022 10:42 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Maanta ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah oo ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

6/15/2022 9:20 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani'aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa safar ku tagay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

6/15/2022 7:31 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Abaalmarinta horumarinta Afrika ee loo yaqaano King Baudouin ee 2020-21 ayaa la guddoonsiiyay hay’adda Elman ee Somalia, iyadoo la aqoonsaday dadaalka ay kula dagaalamayso rabshadaha, sidoo kale xoojinta iyo kobcinta xirfadaha hoggaamineed ee haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

6/15/2022 7:02 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in wada hadal ay la galaan dowladda Itoobiya, taas oo ay dhex dhexaadinayso dowladda Kenya si loosoo afjaro colaadda Itoobiya iyo TPLF ee sannadka kor u dhaaftay.

6/15/2022 6:01 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Taliyihii saldhigga Booliiska magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ee Puntland, Cumar Hiiraad Kaatum ayaa saakay lagu dilay magaalada Qardho.

6/15/2022 5:05 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa beeniyay in ciidanku xabad nool u isticmaalay bannaanbixii 9 Juun xisbiyada mucaaradku ku qabteen Hargaysa, taa badal keedana ciidanka lagu riday rasaas.

6/15/2022 3:36 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Bambaano oo Xalay lagu qaaday hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaan Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

6/15/2022 1:56 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay saacadahii lasoo dhaafay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

6/15/2022 1:10 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa hadalkii uu madaxweyne Biixi ku sheegay in uu wada qabanayo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada wax lagu qoslo ku tilmaamay.