4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka
 

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Maanta ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah oo ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa u soo bandhigay wakiillada Beesha Caalamka xaaladda bani'adannimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira gudaha dalka, isagoo xusay dadaalka iyo abaabulka gurmad ee dowladda ay ku bixinayso la tacaalidda xaaladdaas adag, waxa uuna ka codsaday beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey Wakiillada Beesha Caalamka muhiimadda safarkii uu dhawaan uu ku tagay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka, kaasoo ka tarjumaya dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah iyo xoojinta wada shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta iyo gurmadka abaaraha, waxayna soo dhaweeyeen qabsoomidda Shirkii Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo gabagaboobay Madaxtooyada Soomaaliya iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay oo dhaqan gelkiisu uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay kordhinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan amaanka, arrimaha bani'aadannimada, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online