4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha Soomaaliya oo Maanta gaaray degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan


Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani'aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa safar ku tagay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka socdaalka Ergeyga oo ay wehiliyaan xubno ka socda Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo UNHCR, ayaa ku qotoma u kuur galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen ee ku sugan degmada, isagoo kormeer iyo indha indheyn ah ku tagay, xeryo barakacayaal ah oo ku yaalla gudaha magaaada.

Ergeyga ayaa Kaamamka aadka u daran ee uu kormeerka ku tagay waxaa ka mid ah kaamamka Madiina iyo Wadajir, kuwaasoo ay ku jiraan in ka badan 9,000 oo barakacayaal ah,

Ergayga iyo xubnaha safarkiisa ku wehlinaayay ayaa sidoo kale tagay ceelka Bashiir Xaaji oo barakacayaashu biyaha ka cabaan, kaasoo hadda qarka u saaran inuu xirmo, sababo la xarrira inuu iska bixi la’yahay shidaalkii matoorka.

Degmada Buuloburde waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ku qulqulayaan dadka abaaraha ku ceyrtoobay, kadib afar xili roobaad oo baaqday, isla-lmarkaana ay yar tahay rajada laga qabo in ay si buuxda u hoorto roobka Deyrta ah ee la sugayo bilaha September, October iyo November ee sanadkaan.

Barakacayaasha ku jira xerooyinka uu booqday ergayga ayaa u badan carruur, haween iyo dad da’ ah, wuxuuna dowladda Federaalka, deeq bixiyayaasha caalamiga ah, kuwa aan caalimiga ahayn iyo umadda Soomaaliyeed ee wax heysata ugu baaqay in gargaar iyo gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaas.

Ergayga ayaa sidaan oo kale, dhamaadkii bishii hore socdaal indha indheyn ku tagay xerooyin barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Baydhabo, halkaasoo oo uu sheegay in si daran looga baahan yahay nafaqeynta haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, carruurta da'doodu ka yar tahay shan sano, iyo dadka da'da ah.

Safarka Ergayga arrimaha Abaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya xili xaalada abaarta Soomaaliya ay marba marka ka dambeysa sii kordheyso.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online