4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Hay’adda nabadda ee Elman oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta horumarinta Afrika ee KBF
 

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Abaalmarinta horumarinta Afrika ee loo yaqaano King Baudouin ee 2020-21 ayaa la guddoonsiiyay hay’adda Elman ee Somalia, iyadoo la aqoonsaday dadaalka ay kula dagaalamayso rabshadaha, sidoo kale xoojinta iyo kobcinta xirfadaha hoggaamineed ee haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddiga Abaalmarinta Afrika ee KBF ee King Baudouin Foundation ayaa aaminsan in Elman Peace ay awood u leeyihiin in shaqada ay hayaan ay dhiirigelin u noqoto bulshooyinka kale ee Afrika.

"Elman Peace waxay ka caawisay kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah inay dib u dhistaan noloshooda ka dib colaadihii sokeeye, waxayna diyaarisay barnaamijyo gaar ah oo lagu awood siinayo haweenka iyo dhallinyarada," ayay tidhi, guddoomiyaha guddiga doorashada abaalmarinta Koen Vervaeke.

“Shaqada Fartuun Aadan iyo gabadheeda Ilwad Elman, oo sii wada shaqadii uu bilaabay seygeedii Elman Cali Axmed 30 sano ka hor, waxay ku siinaysaa casharro ku saabsan sida dhisidda nabadda ay ugu baahan tahay ka-qaybgal xooggan.”

“Aqoonsigani wax badan ayuu nooga dhigan yahay. Waa muhiim in baaxadda dhibaatada Soomaaliya ay noqoto mid ka muuqata khariidadda caalamiga ah,” ayay tiri Ilwad Elman, oo ah madaxa hawl-fulinta hay'adda Elman oo fadhigeedu yahay Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]