4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Koox hubaysan oo dilay taliyihii saldhigga magaalada Qardho
 

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Taliyihii saldhigga Booliiska magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ee Puntland, Cumar Hiiraad Kaatum ayaa saakay lagu dilay magaalada Qardho.

Taliyaha ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaas ay ku fureen dhowr nin oo hubaysanaa oo ahaa dadka isticmaala kana ganacsada Maandooriyaha, kuwaas oo falka kadib isaga baxsaday goobta.

Laamaha amniga Puntland ayaa wada baaritaan lagu raad joogo in gacanta lagusoo dhigo dambiilayaasha.

Puntland, isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha ayaa dhibaato weyn ku haya magaalooyinka waaweyn sida Garowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Bosaso.

Iska hor imaadyo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ayaa dhowr jeer  dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Waxaa lagu eedeeyaa ciidamadu iyagu yihiin kuwa inta badan isticmaala maandooriyaha islamarkaana ka qeyb qaata in si fudud lagusoo galiyo magaalooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]