1/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Booliiska Somaliland oo warbixin kasoo saaray sidii ciidanku u maamulay bannaanbixi 9 Juun

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa beeniyay in ciidanku xabad nool u isticmaalay bannaanbixii 9 Juun xisbiyada mucaaradku ku qabteen Hargaysa, taa badal keedana ciidanka lagu riday rasaas.

Warbixin ciidanka booliiska kasoo baxday ayaa lagu sheegay in ilaalada madaxda xisbiga Waddani ay ciidanka rasaaseeyeen "Ciidaanka Boolisku ma adeegsan Rasaas nool,halka Ciidanka lala dhacay rasaas nool una adeegsadeen Ilaalada Gudoomiyaha xisbiga Waddani iyo musharaxiisu".

Warbixinta waxa lagu sheegay in mudaharaadayaashu ciidanka kala hor yimaadeen gacan ka hadal, lakiin uu ciidanku ku maamulay si degen, isla markaana uu adeegsaday rasaasta rabadhka (caag) ah.

"Waxaa kale oo ciidanka lagala hor yimid gacan ka hadal badan sida shiid, bakoorad, iyo aflagadooyin badan. Hadaba waxaaso dhan Waxuu ciidanku ku maareeyey si nabadgalyo leh, Isagoo adeegsanayaa rasaasta rabadhka ah iyo waxyaalaha kale".

Ciidanku waxa uu sheegay in baadhis lagu samayn doono dhaawaca ay qabaan dadkii ku waxyeeloobay rasaasta la sheegay in ciidanku u adeegsaday shacabka, is la markaana dhakhaatiir aqoon u leh loo adeegsan doono baadhista.

"Ciidanka booliska oo kaashanaya dhakhaatiir aqoon u leh arimahan waxay baadhiis deg-dag ah ku samaynayaan natiijada dhaawaca ay sheegeen mucaaridku si xaqiiqada loo ogaado sharcigana loo waafajiyo".

Ciidanku waxay nasiib daro ku tilmaamen dadka dhaawaca ah ee baraha bulshada lasoo galiyay sida xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, iyaga oo sheegay in ay tahay ceebayn lagula kacay ciidanka booliiska.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/15/2022 2:11 PM EST
Maxaad ka taqaanaa ACIBADEM Healthcare Group? ACIBADEM Healthcare Group waxay adeegyada daryeelka caafimaadka kasoo bilowday cisbitaal xaafadeed oo ku yaalla degmo kamid ah magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Maanta, ACIBADEM waxaa ay kamid tahay hoggaamiyayaasha daryeelka caafimaadka, waxaana ay leedahay 22 cisbitaal, 14 xarumuud oo loogu talagalay bukaan socodka iyo shirkadaha adeeg bixinta. Kobaca degdega ah ee Acıbadem ayaa horseeday in sannadkii 2012 ay heshiis iskaashi wadajireed la saxiixdaan IHH Healthcare, taas oo noo suurtagelisay inaan ka mid noqonno silsiladda labaad ee ugu weyn adduunka ee bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka.

6/15/2022 12:29 PM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa muddo bil ah kadib doorashadiisii waxaa uu si rasmi ah xilka raysal wasaaraha Soomaaliya ugu magacaabay Xamse Cabdi Barre oo katirsan barlamaanka Soomaaliya iyo xisbigiisa UPD.

6/15/2022 11:32 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xilka raysal wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamsa Cabdi Barre oo katirsanaa barlamaanka Soomaaliya.

6/15/2022 11:06 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa markale sheegay in madaxweyne Biixi aanu daacad ka ahayn qabashada doorashada madaxtooyada.

6/15/2022 10:45 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa talaabada uu danjiraha Soomaaliya kaga baxay shirkii Nairobi joogitaanka wakiilka Somaliland awgeed, ku tilmaamay wax aan Somaliland qaban, wuxuuna sheegay in uu sugayo sida dowlada Soomaaliya uga jawaabto.

6/15/2022 10:42 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Maanta ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah oo ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

6/15/2022 9:20 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani'aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa safar ku tagay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

6/15/2022 7:31 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Abaalmarinta horumarinta Afrika ee loo yaqaano King Baudouin ee 2020-21 ayaa la guddoonsiiyay hay’adda Elman ee Somalia, iyadoo la aqoonsaday dadaalka ay kula dagaalamayso rabshadaha, sidoo kale xoojinta iyo kobcinta xirfadaha hoggaamineed ee haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

6/15/2022 7:02 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in wada hadal ay la galaan dowladda Itoobiya, taas oo ay dhex dhexaadinayso dowladda Kenya si loosoo afjaro colaadda Itoobiya iyo TPLF ee sannadka kor u dhaaftay.

6/15/2022 6:01 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Taliyihii saldhigga Booliiska magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ee Puntland, Cumar Hiiraad Kaatum ayaa saakay lagu dilay magaalada Qardho.

6/15/2022 3:36 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Bambaano oo Xalay lagu qaaday hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaan Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

6/15/2022 1:56 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay saacadahii lasoo dhaafay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

6/15/2022 1:10 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa hadalkii uu madaxweyne Biixi ku sheegay in uu wada qabanayo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada wax lagu qoslo ku tilmaamay.