1/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya oo Duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Gedo

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay saacadahii lasoo dhaafay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Deegaanada duqeymaha xoogan ay ka geysteen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa kala ah likooleey, Buusaar, Garsaal iyo Ceel cadde, halkaas oo ay badi ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah, waxaana duqeymahaasi ay geysteen khasaare kala duwan.

Dad gobjoogayaal ah oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa waxay sheegeen in duqeynta ay waxyeelo aanan la xaqiijin karin ay kasoo gaartay dad shacab ah, islamarkaana duqeymaha ay ku dhinteen Xoolo farabadan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeymaha culus ay ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya deegaano badan oo ka tirsan Gedo.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa dhowr jeer oo hore waxay sidaan oo kale duqeymo khasaare xoogan geystay uga fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, hayeeshee dowladda Kenya ayaa beenisa inta badan duqeymaha khasaaraha badan geysta oo ay ka fuliyaan gobolka Gedo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
6/15/2022 2:11 PM EST
Maxaad ka taqaanaa ACIBADEM Healthcare Group? ACIBADEM Healthcare Group waxay adeegyada daryeelka caafimaadka kasoo bilowday cisbitaal xaafadeed oo ku yaalla degmo kamid ah magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Maanta, ACIBADEM waxaa ay kamid tahay hoggaamiyayaasha daryeelka caafimaadka, waxaana ay leedahay 22 cisbitaal, 14 xarumuud oo loogu talagalay bukaan socodka iyo shirkadaha adeeg bixinta. Kobaca degdega ah ee Acıbadem ayaa horseeday in sannadkii 2012 ay heshiis iskaashi wadajireed la saxiixdaan IHH Healthcare, taas oo noo suurtagelisay inaan ka mid noqonno silsiladda labaad ee ugu weyn adduunka ee bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka.

6/15/2022 12:29 PM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa muddo bil ah kadib doorashadiisii waxaa uu si rasmi ah xilka raysal wasaaraha Soomaaliya ugu magacaabay Xamse Cabdi Barre oo katirsan barlamaanka Soomaaliya iyo xisbigiisa UPD.

6/15/2022 11:32 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xilka raysal wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamsa Cabdi Barre oo katirsanaa barlamaanka Soomaaliya.

6/15/2022 11:06 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa markale sheegay in madaxweyne Biixi aanu daacad ka ahayn qabashada doorashada madaxtooyada.

6/15/2022 10:45 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa talaabada uu danjiraha Soomaaliya kaga baxay shirkii Nairobi joogitaanka wakiilka Somaliland awgeed, ku tilmaamay wax aan Somaliland qaban, wuxuuna sheegay in uu sugayo sida dowlada Soomaaliya uga jawaabto.

6/15/2022 10:42 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Maanta ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah oo ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

6/15/2022 9:20 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani'aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa safar ku tagay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

6/15/2022 7:31 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Abaalmarinta horumarinta Afrika ee loo yaqaano King Baudouin ee 2020-21 ayaa la guddoonsiiyay hay’adda Elman ee Somalia, iyadoo la aqoonsaday dadaalka ay kula dagaalamayso rabshadaha, sidoo kale xoojinta iyo kobcinta xirfadaha hoggaamineed ee haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

6/15/2022 7:02 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in wada hadal ay la galaan dowladda Itoobiya, taas oo ay dhex dhexaadinayso dowladda Kenya si loosoo afjaro colaadda Itoobiya iyo TPLF ee sannadka kor u dhaaftay.

6/15/2022 6:01 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Taliyihii saldhigga Booliiska magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ee Puntland, Cumar Hiiraad Kaatum ayaa saakay lagu dilay magaalada Qardho.

6/15/2022 5:05 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa beeniyay in ciidanku xabad nool u isticmaalay bannaanbixii 9 Juun xisbiyada mucaaradku ku qabteen Hargaysa, taa badal keedana ciidanka lagu riday rasaas.

6/15/2022 3:36 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Bambaano oo Xalay lagu qaaday hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaan Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

6/15/2022 1:10 AM EST
Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa hadalkii uu madaxweyne Biixi ku sheegay in uu wada qabanayo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada wax lagu qoslo ku tilmaamay.