4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 14, 2022
Dowladda Soomaaliya oo dowladda Kenya ku eedeysay inay ku xadgudubtay madax bannaanida qaranimada Soomaaliya
 

Talaado, Juun, 14, 2022 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa ku eedeysay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya inay ku xadgudubtay midnimada iyo madax bannaanida soohdimeed ee qaranimada Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu eedeeyay shir loo qabtay diplumaasiyiinta safaaraddaha caalamka ee Kenya fadhigoodu yahay in lagu casuumay xubin ka socotay Somaliland oo lagu sheegay wakiilka Somaliland ee Nairobi.

Safaaradda Soomaaliya waxay sheegtay in si ku talo gal ah loogu casuumay xubinta Somaliland shirka, si loo siiyo mudnaan xudgub ku ah madax bannaanida Soomaaliya, inkastoo safaaraddu ay sheegtay in safiirka Soomaaliya uu ka tagay shirka.  Isagoo kasoo horjeeday joogitaanka wakiilka Somailand.

Dowladda Soomaaliya waxay dowladda Kenya ka dalbatay sharraxaad dheeraad ah oo ku saabsan ku xadgudubka madax bannaanida Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]