4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 14, 2022
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo isaga baxay shirka Kenya u qabatay safiiradda dalalka shisheeye
 

Talaado, Juun, 14, 2022 (HOL) - Safiirka Soomaaliya ee Kenya Ambasaddor Maxamed Axmed Nuur Tarzan ayaa maanta ka baxay shir dowladda Kenya u qabatay safiiradda dalalka shisheeye u fadhiya magaalada Nairobi.

Shirkaan oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayuu safiirka Soomaaliya uga baxay kadib markii uu soo galay mas'uul la sheegay inuu yahay safiirka Somaliland u jooga Kenya, arrintaas oo buuq badan dhalisay.

Tallaabadan ay maanta qaadday dowladda Kenya waxay dhaawac ku noqon kartaa xiriirka ay Kenya doonaysay inay la sameysato dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheikh,  iyagoo weliba u ololeynayay in xanibaada laga qaado Qaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu dhalleecaysay Kenya inay fara galin ku hayso midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya, kadib markii wakiillo u magacaabatay maamulka Somaliland.

Bishii January ee sannadkan, dowladda Kenya ayaa eedayntaas kadib waxay beddeshay mowqifkeedii, iyadoo sheegtay in ay Somaliland u aragto maamul hoos yimaada dowladda federalka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]