4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 14, 2022
Itoobiya : Kooxo hubaysan oo gudaha u galay magaalada Gambella ee degaanka Gambella
 

Talaado, Juun, 14, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal khadhaadh oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kooxo hubaysan uu ku dhex marayo magaalada Gambella ee dowlad degaanka Gaambeella, sida ilo xogagaal ahi u sheegeen Warbaahinta.

Kooxahan hubaysan ayaa sida wararku sheegayaan waxay gacanta ku hayaan inta badan magaalada Gambella, iyagoo la marar badan la kulmaya iska caabin kaga imaanaysa dhanka Ciidamada dowladda Itoobiya.

Ciidamad Ammaanka gobolka iyo kuwa Federalka ee Itoobiya ayaa isku hareereeyay Madaxtooyada, iyagoo ilaalinaya xarumaha dowladda si aysan kooxahan hubaysani gudaha u galin Madaxtooyada iyo xafiisyada dowladda laga maamulo.

Masuul u hadlay dhanka dowladda ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaaladani maanta ka bilowday degaanka Gambella ay ku dhinteen 2 kamid ah Ciidamada dowladda, halka 3 kamid ah kooxihii hubaysnaa ee dowladda la dagaallamayay ay dhinteen.

Ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay dagaalkan, sidoo kale wali kamaysan hadlin dowladda dhexe ee Itoobiya, marka laga reebo Madaxwaynaha degaankaasi oo sheegay inuusan waxba ka ogayn dagaalkan ka socda magaalada Gambella.

Degaanka Gambella ayaa waxaa ka dhaqdhaqaaqda Jabhado hubaysan oo sheegta inay u dagaallamaan xoreynta dadka Gambellaha ah, iyagoo inta badan dagaallo lagu hoobtay la gala Ciidamada gobolka Gambella iyo kuwa Militariga Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]